Sh. Hoose: al-shabaab oo toogasho & qoor goyn ku fulisay xubno maleegay dilkii Godane

Islamic extremist group al-ShababWararka ka imanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay afar nin ku dileen deegaanka Buulafuulay ee gobolkaasi.

Afartaasi nin ayaa lagu eedeeyey basaasnimo iyo inay la shaqyanayeen sirdoonka Maraykanka iyo Kenya.

Afarta nin ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegtay inuu ku jiro nin lagu tuhunsan yahay inuu lug ku lahaa duqyantii lagu dilay hoggaamiyihii hore ee ururkaasi Axmed Cabdio Godane iyo Cabdishakur Tahliil iyo Yuusuf Dheeg oo iyagana ahaa taliyayaal ka tirsan Al-Shabab oo bilihii Diisambar 2014 iyo Febrayao 2015-kii lagu dilay duqyan cirka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here