Sh.Cali Dheere oo ku tilmaamay shirka bisha June ee Istanbul mid maxmiyad lagu gelinayo dalka

Afhayeenka Alshabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage ayaa ku eedeeyey dowlada Turkiga inay wado qorshe labaad oo lagu doonayo in gumeysi lagu geliyo dalka Soomaaliya.

Shiikh Cali Dheere ayaa sheegay in kadib markii uuu fashilmay shirkii  London ayna shacabka Soomaaliyeed ka hortageen haatan loo bedelay in mar kale la abaabulo kulan kale oo ka dhaca magaalada Istanbul ee dalka Turkiga si maxmiyad loo geliyo dalka Soomaaliya.

Shiikh Cali Dheere waxa uu sheegay in ururka Alshabaab uu la dagaalami doono Turkiga uuna yahy gaalo raac.

Warkan ka soo yeeray afhayeenka ururka Alshabaab ayaa ku soo beegmaya xilli uu daabacay shalay wargeys ka soo baxa dalka Turkiga in dowlada Turkiga ay dooneyso in ay dhexdhexaadiso ururka Alshabaab iyo dowlada kumeelgaarka ah.

Ururka Alshabaab ayaa hore ugu eedeeyey dowlada Turkiga inay soo gelisey dalka Soomaaliya cunto dhacday, hase yeeshee xukuumad Turkiga ayaa beenisey eedeyntaas waxayna sheegtay in baaritaan kadib ay ogaadeen in dalka Iran uu yahay wadanka keenay dalka Soomaaliya cunto dhacday.