Seychelles oo Somalia kusoo celisay laba caruur ah oo la socday burcad badeed

Maxkamada Dalka Seychelles ayaa xukimisay in dalkooda dib loogu celiyo caruur Soomaaliyeed oo da,doodu kala aheyd 12, iyo 11 sano jiro kuwaasi oo Bishii January la qabtay iyaga oo la socda burcad badeed.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in caruurtaan oo lala qabtay 12 kale oo burcad badeed Soomaali ah ayaa xirnaa tan iyo bishii Janaayo waxaana haatan loo soo duuliyey Soomaaliya.

Booliska Seychelles ayaa sheegay in dib u celinta caruurta ay ku gacan siiyeen xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Danbiyada iyo Daroogada kaasi oo ku guuleystay in ay u daad gureeyaan qoysaskooda oo ku nool waqooyiga Soomaaliya.

Waa caruurti ugu horeeysay oo ay ciidamada la dagaalama burcad badeedka Soomaalida ay ku qabtaan xeebaha ka baxsan Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here