Seychelles oo burcad badeed Soomaali ah ku wareejineyso Somaliland

Dowlada aadka u yar ee Seychelles ayaa lagu wadaa in ay maamulka la magac baxay Somaliland ku wareejin doonto 19 burcad badeed Soomaali ah oo ku xiran xabsiyada dalkaasi.

Seychelles ayaa waxaa ku xiran ilaa iyo 92 nin oo burcad badeed Soomaali ah, waxaana sida ay saraakiisha amaanka sheegeen ay ka dhigeysaa in boqolkiiba 20 maxaabiista ku jirto xabsiga Montagne Posee ee ugu weyn dalkaasi ay yihiin Soomaali.

Heshiis ay dhawaan ku kala saxiixdeen madaxweynaha Jasiirada Seychelles James Michel iyo madaxweynaha Somaliland Ahmed Mohamed Silanyo ayey iskula falan qeeyey sidi Somaliland loogu soo celin lahaa 19 maxbuus oo kasoo jeedo Waqooyiga Soomaaliya.

Xabsiga magaalada Hargeysa ayaa lagu sheegaa inuu ka mid yahay kuwa ugu casrisan xiligaan Soomaaliya waxaana dhawaan dhistay oo hagaajisay Laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan Danbiyada iyo Daroogada kaasi oo ku bixiyey lacag dhan $1.5 million  (Hal milyhan iyo badh doolar).

Ragani la filayo in lagu wareejiyo Somaliland ayaa waxaa ka mid ah Cali Maxamed oo ah 50 jir dafiray inuu yahay burcad badeed, waxa uu ku adkeystay in uu ahaa kaluumeysato si qasab ah loo soo qabtay.

Seychelles ayaa ah dalka ugu badan ee marti geliya maxaabiista looga shakisanyahay in ay yihiin burcad badeeda Soomaalida.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.