Senegal oo ka hartay Koobka Afirica iyo Equatorial Guinea oo xaqiijisay wareega labaad

Equatorial Guinea oo usoo gudubtay wareega sideeda koobka Qaramada Africa iyo Senegal oo noqday dalki ugu horeeyey oo haro

Xulka Equatorial Guinea oo ka mid ah marti geliyaasha koobka Qaramada Africa ayaa xalay guul taariikhi ah ka gaaray kadib marki ay ka reebeen tartankan kooxda Senegal oo loo saadaalinayey in ay ku guuleysan doonto.

Equatorial Guinea ayaa usoo gudubtay wareega sideeda iyada oo 2-1 kaga badisay Senegal ciyaar lala yaabay oo ay xasuusan doonaan taageerayaasha Equatorial Guinea.

Kadib marki uu gool u furay ciyaaryahan Randy kulanki xalay ka dhacay magaalada Bata, Senegal waxay ahaayeen kuwo wajaho harid ilaa uu goolka bareejada uga keeeno Moussa Sow daqiiqadii 89-aad, hase yeeshee kubad uu ka toogtay 25 yaardi ciyaaryahan Kily ayaa quusisay isla maraaka Equatorial Guinea u dirtay wareega sideed dhamaadka.

Goolka guusha ayaa yimid daqiiqadi 94-aad ee ciyaarta waxaana uu hurdada ka toosiyey 40,000 oo taageerayaal ah oo ku jiray garoonka Estadio de Bata.

Natiijadaasi ayaa macnaheedu yahay in weeraryahanada Newcastle ee kala ah Demba Ba iyo Papiss Demba Cisse ay dib ugu laaban doonaan horyaalka Premier League iyaga oo aadaya ka hor waqtigi la filanayey.

Dalka Equatorial Guinea ayaa ka mid ah dalalka ugu hooseeya Africa xaga Qiimeynta hase yeeshee hada kor ayey usoo kaceen, waxay kaga jiraan qiimeynta kaalinta 151.

Senegal ayaa la timid koobkan weeraryahanada ugu fiican sida Cisse, Ba, Mussa Saw iyo Dame Ndoye balse waxba kuma aysan tarin.

Hada waxaa booska Senegal gali doonta Zambia oo bar bar dhac 2-2 ah xalay la gashay Libya, waxay kaalinta koowaad ee Group A ku dagaalami doonaan  Equatorial Guinea Axada soo aadna.

Libya fursadeeda soo bixisteeda waxay ku xirantahay in ay ka badiyaan Senegal iyo Guinea oo garaacdo Zambia.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.