Seedorf oo macsalaameynaya kooxda AC Milan

Halyeeyga qadka dhexe ee kooxda AC Milan Clarence Seedorf ayaa ka tagaya naadiga Milan marka la gaaro bisha soo aadan ee June kadib 10 sano uu ka ciyaarayey garoonka San Siro.

Sida ay maanta qoreen qaar ka mid ah wargeysyada kasoo baxa dalka Talyaaniga, Seedorf ayaa kusii jeeda kooxda Botafogo ee dalka Brazil halkaas oo uu hada ka hor kasoo ciyaaray isla markaana uu ugu yaalo guri.

Heshiiska uu kula joogo Milan ayaa dhamaanaya bisha June, isaga iyo 10 ciyaaryahan oo ka tirsan Milan, laakin waxaa la xaqiijiyey in 36 jirkaan uu Milan ka tagi doono subaxnimada Isniinta.

Si kastaba, lama filayo inuu safto kulanka ugu danbeeya ee ay Milan ku qatimi doonto horyaalka, sababtoo ah waxay isku kacsanyihiin tababare Massimiliano Allegri,.

Milan waxa kale oo laga yaabaa in ay fasaxdo Alessandro Nesta, Pippo Inzaghi iyo Gennaro Gattuso.

 

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.