Seedorf: Milan waxay u baahantahay waqti ay ku soo kabato

Seedorf: Milan waxay u baahantahay waqti ay ku soo kabato
Seedorf: Milan waxay u baahantahay waqti ay ku soo kabato

Clarence Seedorf ayaa sheegay in kooxda Milan ay u baahan tahay waqti badan oo ay ku soo kabaneyso kaddib markii kulankii ugu horreeyay ee uu macalin u noqday kooxda ay adkaadeen AC AC Milan.

Cayaaryahankii horre Netherlands ayaa ka guuleestay Hellas Verona cayaar ka dhacday garoonka San Siro, taasoo ku dhammaatay 1 iy0 0.

Goolka oo u dhaliyay Mario Balotelli kaasoo ahaa gool kulaad.

Seedorf ayaa muddo dheer joogay kooxda Milan,. balse dad badan waxa ay lee yihiin wax ma ka badali doonaa Rossoneri.

“Waan ka war qabnaa in xaaladda ay u baahan tahay isbadal xooggan, kaddib markii aan cayaarnay kulankii ugu horreeyay. Dhammaanteen mas’uuliyad ayaa naga saaran natiijo kasta,”siddaas waxaa yiri 37-jirkan oo la hadlay Sky Sport Italia.

“Guushan waxa ay ku timid gool ku laad, balse waxaan aaminsanhay in aan u qalanay, maadama si fiican ayaan u cayaarnay 90-kii daqiiqo.”ayuu yiri

Guusha Milan waxaa ay taageero siisay Balotelli kaasoo dhawaan sheegay in uu ku faraxsan yahay imaashiyaha Seedorf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here