Seedorf: Milan waa sidda United

Seedorf: Milan waa sidda United
Seedorf: Milan waa sidda United

Macallinka AC Milan, Clarence Seedorf ayaa aaminsan in kooxdiisa ay la mid tahay naadiga heesta horyaalka Ingiriiska Premier League ee Manchester United.

Cayaaryahankii horre ee qadka dhexe Netherlands ayaa shaqada la wareegay Rossoneri bishii January kaddib markii uu kala wareegay Massimiliano Allegri, oo billowgii horyaalka guul darooyin soo xareeyay.

Milan ayaa cayaartii ugu dambeesay waxaa ka adkaatay Fiorentina 2 iyo0 horyaalka  Serie A-da Arbacadii.

Seedorf ayaa la hardamaya siddii uu guulo u soo hoyi lahaa, balse wuxuu lee yahay waxaa i heesta dhibaato la mid ah tan heesata tababbarre David Moyes oo madax ka ah kooxda ka dhisan Old Trafford.

Wuxuu yiri : “AC Milan, waa sidda Manchester United, waxa ay ku jirtaa xaalad adag, balse waxaan aaminsanahay in weli aan go’aan ku gaari karo in aan tartano sannad kasta, waxaan u baahanahay dul qaa, annigoo og in taageerayaasha kooxda ay dhaliilo noo jeediyaan, laakin waan soo dhaweenayaa, kooxda Milanna waa ay ka gudbi doontaa xaalada.”

Guushii Fiorentina weli waxaa ka dhigeysaa Milan in ay ku jirto kaalinta 12-aad ee kala horeynta horyaalka Serie A and, balse Seedorf wuxuu qiray in kooxda ay weli meel fiican gali karto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here