Seattle oo la soo wareegtay Obafemi Martins

Xidigga reer Nigeria ayaa si rasmi ugu biiray kooxda Seattele, kaddib markii uu ka tagay kooxda Spain ee Levante waxaana la sheegay in ka soo muuqan doona kulanka kooxdiisa cusub ay la lee dahay Sabtida maanta kooxda Portland Timbers.

Obafemi Martins ayaa heshiis la gaaray kooxda Seattle Sounders, ee dalka Maraykanka, sida ay saraakiil ka tirsan kooxda u xaqiijiyeen shabakadda Goal.com.

28-jirkan oo horrey ugu soo ciyaaray kooxaha Inter Milan iyo  Newcastle United ayaa ugu dambeen heshiis la galay kooxda Maraykanka isagoo Jimcihii shaley gaaray halkaas.

Martins ayaa ka mid noqon doona dhowr ciyaartoyd oo ka soo tagay horiyaalka Spain ee hadda ku sugan horiyaalka kubadda cagta Maraykanka Major League Soccer .

Martins ayaa xirfada kubadda cagta wuxuu ka soo billaabay dalka Talyaaniga gaar ahaan kooxda Reggiana, ka hor inta uusan u soo dhaqaaqin kooxda Inter Milan isagoo da’yer, goor dambe ayuu u soo wareegay waddanka Ingiriiska iyo kooxda Newcastle, siddoo kale wuxuu u soo ciyaaray kooxaha Wolfsburg, Rubin Kazan, Birmingham City iyo hadda oo uu ka soo tagay kooxda Levante, wuxuu u dhaliyay sagaal gool 27-kulan oo u saftay xill ciyaareedkan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here