Scott Parker oo loo magacaabay xidiga sanadka dalka Ingiriiska

Laacibka qadka dhexe kooxda Tottenham Scott Parker ayaa loo magacaabay laacibka ugu fiican dalka Ingiriiska sanadkan kadib codad laga qaaday taageerayaasha.

Tani ayaa kusoo beegmeyso xilli sanadki lasoo dhaafay uu xulka u ciyaaray todobo kulan oo qura mudadi uu iyadoo uusan inta badan kooxda qaranka kusoo darsan jirin macalinki hore Fabio Capello.

31-jirkaan ayaa haatan ah ninka loo filayo inuu noqdo ku xigeenka kabtanka xulka Ingiriiska oo haatan loo filayo inuu noqdo Steven Gerrard.

Hadal uu ka jeediyey munaasabadi lagu caleema saaray ayuu Parker ka sheegay inuusan waligiis ka rajo dhigin u yeerida xulka qaranka.

Waxa uu tusaale usoo qaatay in ciyaarti xulka qaranka Ingiriiska uu la ciyaaray Denmark 12 bilood ka hor markaasi oo uu inta badal kusoo galay wacdaro muujiyey.

Codbixin ay sameysay shabacad internet oo lasoo bilaabay fasaxi ciida Karistaanka ayaa muujisay in Parker uu ka helay 17% kadib 15,000  cod oo la dhiibtay , waxaa kaalinta labaad galay Joe Hart halka booska sadexaad uu xirtay Ashley Young.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.