Scolari oo ugu yeeray Kaka Xulka Brazil

334728_herol Tababbarraha kooxda qanka dalka Brazil, Luiz Felipe Scolari ayaa shaaciyay in uu qorshenayo in la soo celiyo Kaka  si uu uga qayb qaatao koobka Adduunka oo sannadka dambe ka dhacaya dalka Brazil.

31-jirkan ayaan u cayaarin waddankiisa tan iyo cayaartii saaxibtimo ee xulka Japan  bishiii October 2012,

Tababbare Scolari ayaa rajo fiican ka muujiyay in Kaka uu ka qay qaadanaya koobka aduunka.

Scolari, ayaa ku guuleestay koonka aduunka sannadkii 2012-ka isagoo xilligaas uu la socday Kaka, waxaa uu sheegay in uu ka taamayo cayaaryahanka ku guuleetay abaalmarinta Ballon d’Or  oo hadda u cayaara kooxda AC Milan in uu ka mid yahay dhowr cayaartoy oo u xushay dhinaca qadka dhexe ee xulka.

“Aad ayaan ugu rajo weynahay go’aanka uu qaatay Kaka ee ah in uu heshiis la gaaray kooxda AC- Milan isagoo ka tagay Real si uu u soo bandhiggo cayaarihii lagu yaqiin waa u fursad mustaqbalkiisa .” ayuu yiri macalin Scolari.

Macalinka ayaa sidoo kale xulka ku soo daray Robinho oo ay ka wadatirsan yihiin Kaka kooxda AC-Milan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here