Schweinsteiger: Bayern Munich waxay mar kale ku raaxeysan doontaa nuska labaad ee xilli ciyaareedka

Laacibka qadka dhexe ee kooxda Bayern Munich Bastian Schweinsteiger ayaa ku kalsoon in kooxdiisa ay ku dhameysan doonto xilli ciyaaraadkaan guul iyo baraare xilli wajiga labaad ee ololaha tartamada ay dib u bilaabanayaan todobaadka soo aadan.

Bayern ayaa hada hogaanka horyaalka Bundesliga kaga sareyso sadex boondo kooxaha kusoo xiga ee Borussia Dortmund iyo Schalke, sidoo kalana waxay ka mid tahay kooxaha ka qeybgalaya wareega labaad ee tartanka Champions League iyo koobka DFB Pokal.

Sidaasi daraadeed Schweinsteiger wuxuu dareemayaa in Bayern in ay ku dhameysan doonto sida ay hada tahay hadii ay dadaalaan xidigaha kooda.

“Hadii aan ahaano sida sida aan hada nahay oo ah hab adag oo isku xiran waxaananshaki ku jirin in aan guul ku dhameysan doono xilli ciyaareedkan,” sidaa waxaa yiri Schweinsteiger oo la hadlay boga kooxda.

Kulabka ugu soo horeeya ee ay ciyaari doonto fasaxa kadib ayaa ah ciyaar ka tirsan horyaalka Bundesliga oo ay la qaadan doonaan naadiga Borussia Monchengladbach January 20.