Saxiixayaasha Roadmap-ka oo kusii qulqulaya magaalada Nairobi

Kooxda loo yaqaano saxiixayaasha heshiiska roadmapka ee Soomaaliya ayaa kusi qul qulaya magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya halkaas oo uu shir uga furmayo beri.

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha baarlamaanka iyo Ra’isulwasaare Cabdiwali ayaa lagu wadaa in maanta aadaan magaalada Nairobi halka sidoo kalana ay maanta ka bixi doonaan magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi Ambass. Cali Ameeriko ayaa u sheegay wariyaasha in shirkan lagu faaqidi doono dhameystirka barnaamijka qariirada nabada.

Waxa kale oo uu sheegay in shirka uu noqon doono mid ay albaabada u xiranyihiin oo aysan lug ku yeelan doonin beesha caalamka, isaga oo intaasi raaciyey in ay maalgelintiisu leedahay Qaramada Midoobay.

Heshiiska roadmap ayaanan wali fulintiisu waxba kasoo naasa cadaan iyadoo la mari la,yahay qodobka ansixinta dastuurka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.