Saxafiyiinta Muqdisho oo marki ugu horeysay ka dooday dilalka loo geysanayo + Sawiro

Dood cilmiyeed looga hadlayay dilalka sii kordhaya ee Wariyeyaasha ka howl gala Soomaaliya iyo sida loo hormarin karo aqoontooda ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda, Saraakiisha Ammaanka iyo Ururada Bulshada.

Hey’adda Wada Hadalka Bulshada ee CCD oo soo qaban qaabisay dood cilmiyeed ayaa waxaa ka qeyb galaya In ka badan 200-saxafiyiin oo isugu jiray Ragg iyo dumar, kana kala socday Warbaahinta kala duwan sida Idaacadaha Maxaliga ee Muqdisho, Telefishinada, Wargeysyada, Website-yada iyo Ururada Saxaafada, iyadoo la soo bandhigay sawirada Wariyeyaashii la dilay sanadkii 2007-dii ilaa 2012 ee sanadkan oo isugu jiray madaxda warbaahinta iyo wariyeyaasha ka howl galayay.

Ugu horeyn dood cilmiyeedkan ayaa saxafiyiinta ka qeyb galayay iyo Mas’uuliyiinta waxay muddo daqiiqado oo u istaageen Wariyeyaashii la dilay, iyagoo u aqriyay faataxo, inuu Alle naxariistiisa Janno ka waraabiyo, kuwii sida xaqdarada loo dilay.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta C/llaahi Bille Nuur oo ugu horeyn ka hadlay dood cilmiyeed ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga doodo dhibaatada heysata Saxafiyiinta, tacadiyada iyo dilka loo geysto, isagoo sheegay in dad ka soo horjeeda xoriyada codka iyo dhagar qabayaal ay ka dambeeyaan.

“Aniga waxaa qabaa in codka mideysan ee nabada ugu adeegayaan iyo hormarka bulshada inay dhibeyso dad dano gaar wata, oo raba inay caburiyaan, waxay doonayaan inay codkoosa aamusiyaan, sanooyin fara badan ayaa wariyeyaal la soo dilay, 3-bilood u dambeysay ilaa saddex wariye la dilay, waxa keenay waa codka mideysan iyo kuwa caqabadaha la hortaagan inay bulshada ay dhega-tiraan”ayuu yiri C/llaahi Bille Nuur.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin oo ka hadlay dood cilmiyeedka ayaa xusay in dambiga uu leeyahay ka daba tag iyo ka hortag, waxaana uu cadeeyay in cida dil geysata maalin un sharciga la hor keeni doono xilkiisada.

“Dambiga waxa uu leeyahay ka hortag iyo ka daba tag, cida disha wariyeyaasha waa la hor keeni doonaa cadaalada, laakiin xilligeeda ayaa la gaari doonaa, baarista waxay gashaa waqti dheer, qaar waxay qaadataa 20-sano, fal dambiyeed kastana wuxuu noogu jiraa Riboorka”ayuu yiri Axmed Xasan Maalin.

G/sare Maalin ayaa sheegay in amniga loo baahan yahay inay dadka nabada jecel ka shaqeeyaan, isagoo tilmaamay in dadweynaha ay yihiin booliska rayidka, isla markaana looga baahan yahay inay kala shaqeeyaan Ciidamada inay soo sheegaan kuwa ka dambeeya dilalka.

Sidoo kale Gudoomiyaha Dallada Ururada Bulshada rayidka deegaanada Ex Banaadir Muxiyadiin Xasan Afrax ayaa sheegay in dilalka suxufiyiinta uu yahay mid lagu baabi’inayo bulshada, si loo tiro dhegaha iyo indhaha, isla markaana lagala dagaalamo aqoonta iyo maskaxdooda, waxaana uu ugu baaqay Saraakiisha ammaanka in la horkeeno Cadaalada dadkii dilay saxafiyiintii qaaliga ahaa.

Afhayeenka Ahlusuna Wal-jameeca Sheekh C/qaadir Soomow ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin xusuus gooni u ah, isla markaana ay u murugeysan yihiin dadkii bulshada indhaha u ahaa, waxaana uu cadeeyay bulshada lagala dagaalamayo dhan walba.

Mar uu ka hadlay waxa ay Diinta Islaamka ka qabto in ruux Muslim ah naftiisa la gooyo , isagoo tilmaamay in diinta ay xaaraantinimeysay in qof Muslim ah la dilo, isagoo xusay in Diinta Islaamka ay tahay diin Nabad ku dhisan, qofkii muslim ah dila uu muteysanayo in naarta Jahanamo Eebe ka waraabinayo.

Taliyaha Hogaanka Dambi baarista ee CID G/sare C/llaahi Xasan Bariise oo su’aalo ku weydiiyeen wariyeyaasha inta uu socda dooda ayaa sheegay in dambi walba uu baaris leeyahay, isagoo sheegay in aan la xirin gal dacwadeedka dambiyada la soo gaarsiiyay, isla markaana dad badan lagu raad-joogo oo dilalka ka dambeeyay sida uu yiri.

Mar la weydiiyay in dilalka wariyeyaasha dadkii loo qabtay la sii daayay, ayuu sheegay in baarista ay qaadato muddo dheer, isla markaana haboon tahay in laga war sugo, waxaana uu xusay in aanay meel ku tuurin gal dacwadeedka loo keeno, isagoo soo qaatay in saxaafada qaarkeed lagu dhaliilo inay si gaar ah shaqsi u weerareen.

Fanaanada caanka ah ee Seynab Maxamed Xaaji (Seynab Laba-Dhagax) oo iyana ka hadashay dood ayaa u tacsiyadeysay wariyeyaasha, iyadoo ku ammaantay Hey’adda CCD in siminaarkan uu ula mid dhigan yahay sida kuwa Caalamiga, waxaana ay intaa ku dartay in muddo labaatan sano dalka ka maqneyd, intaasna ay kala socotay Warbaahinta, isla markaana dhacdooyinka dalka ka dhacayay ay aad uga tiiraanyeysaneyd, gaar ahaan dilalka saxafiyiinta.

Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ahaa waxgaradkii ka qeyb galay ayaa sheegay in saxafiga uu bulshada ugu jiro kaalin muhiim ah, waxaana uu ka dhawaajiyay inay muhiim tahay in la xaq dhowro, isagoo ugu baaqay dowladda inay sugto ammaanka.

Dood kulul oo dhex martay wariyeyaasha ayaa waxay kaga hadlayeen qodobo dhowr ah oo ku aadanaa dilalka soo kordhay wariyeyaasha iyo sida loo hormarin karo saxaafada, waxaana doodaha oo ay ka qeyb galeen qaar ka mid ah Wariyeyaasha ka qeyb galay ayaa soo jeediyay in saxaafada marka hore la kordhiyo aqoontooda, sidoo kale waxaa ay xuseen dhaliil warbaahinta gudahood, ayna qaarkood sharciga ilaalin iyo dhex dhexaadnimada.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.