Saxafiyiin lagu xir xiray Dhuusamareeb


Maamulka Ahlu Sunna ee gobolka Galguduud ayaa xabsiga dhigay laba saxafi oo ka tirsanaa wariyaasha idaacadaha Muqdisho uga soo warama gobolada dhexe.

C/jamaal Macalin Axmed iyo Bashir Maxamed Salad oo u kala shaqeynayey idaacadaha Radio Dalsan oo ka howlgasha magaalada Muqdisho iyo Radio Barkulan oo xarunteedu tahay magaalada Nairobi ayaa la xiray saakay.

Sarkaal xaga amniga u qaabilsan Ahlu Sunna oo lagu magacaabo Faraban ayaa ku weeraray guryahooda, waxaana sidoo kale baxsaday wariyaal kale oo ka war helay in lagu soo wajahanyahay.

Lama oga sababaha loo xirya laakin waxa wararku ay sheegayaan in Ahlu Sunna ay ka madax jabsantahay sheegida wararka ku saabsan in ay kasoo baxeen magaalada Ceelbuur iyo dhaqdhaqaaqyada Al Shabaab ay haatan ka wadaan gobolka.