Saxafiyiin fara badan oo lagu xiray magaalada Hargeysa

21 safaxi oo ka howlgala warbaahinta madaxa banaan ee magaalada Hargeysa ayaa maanta la xiray kadib marki ay sameeyeen banaan bax cabasha ahaa.

Wariyaasha oo isugu jiray wiilal iyo gabdho ayaa ku hor mudaaharaaday afaafka hore ee madaxtooyada Somaliland iyada oo ka cananayey xarig ay shalay ciidanka booliska Somaliland u geysteen xarunta TV-ga caalamiga ah ee Horn Cable.

Wariyaasha ayaa waxaa la sheegay in ay jir dilo u geysteen ciidamada ka hor inta aysan ku xirin saldhiga booliska ee magaalada Hargeysa.

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Gen. Maxamed Saqadi Dubad ayaa ku eedeeyey wariyaashan in ay ku kaceen arimo sharciga ka baxsan, isaga oo ka gaabsaday inuu faah faahin kale ka bixiyo xarigooda.

Ururka saxafiyiinta Somaliland ayaa cambaareeyey xariga loo geystay wariyaasha isla markaana ugu baaqay maamulka Somaliland inuu soo sii daayo wariyaashan.

Shalay ayey aheyd marki ciidamada maamulka Somaliland ay albaabada isugu dhifteen xarunti dhexe ee TV-a Horn Cable ee magaalada Hargeysa.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.