Saxafiyiin Cusub oo kusoo biiray Warbaahinta Somalida Xilli Wali ugaarsiga Wariyeyaasha uu socdo

Waxaa hubanti ah in qof walbo uu waqti leeyahay,waxaana jira hami qalbiga qofka eebe ku beeray taasi oo wax walbo oo laguu sheego aadan ka hareyn hadii aad adiga garwaaqsan waxaad ku hamineysay inad joojiso.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay kana qeyb galeen dadweyne aad ufarabadan ayaa waxa lagu qabtay Xarunta Jaamacada Salaama ee magaalada muqdisho iyadoona halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyey 7 arday oo saxaafada dhameysay.

Machadka barashada luuqadaha ee Bakhdaad institute of Languages ayaa waxa ka qalin jabiyey arday badan oo maadada Saxaafada soo bartay.

Professor Maxamed Cabduqaadir Cali oo si wanaagsan ubartay anshaxa iyo xeerarka Saxaafada ayaa ku eedeeyey wariyeyaasha somalida qaarkood inay anshaxa saxaafada ku dhaqmin islamarkaana sheegay inaysan waxba ka aqoon dhowrista xeerka saxaafada.

Macalinka ardayda saxaafada baray Yaasiin Shiikh Maxamuud (Abu Daahaa) ayaa sheegay inay rajeynayaan ardaydaasi shahaadooyinka gudoonsiiyeen ay noqon doonaan kuwo u’adeega shacabka somaliyeed kana howlgali doona warbaahinta Somaliyeed.

Qaar ka mid ah Saxafiyiinta cusub ee Saxaafada kusoo biiri doona ayaa dareenkooda ku muujiyey inay diyaar uyihiin duruufaha adag ay ku shaqeynayaan wariyeyaasha inay kala qeyb galaan duruufaha adag ee lagu shaqeeyo dalka Somaliya.

Waxyaabaha xusida mudan waxaa ka mid ah in gabadh kaalinta 1aad ugashay ardaydii dhameysay barashada maadada Saxaafada waxaana ugu dambeyn iyagoo faraxsan goobta isku gacan qaaday ardaydii dhameysay maadadaasi journalism-ka.

Munasaabada ayaa waxa lagu soo afmeeray bixinta Shahaadooyinka ardayda waxaana markii ay dhamaatay bixinta shahaadooyinka lagu dhiiri geliyey inay ku dadaalaan wax uqabashada shacabka codkooda aan la maqlin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here