Sawiro:Wasiirka Gaashaandhiga oo si weyn loogu soo dhaweeyay B/weyne

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Federaalka Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada b/weyne ee Xaruunta Gobolka Hiiraan, wafdiga wasiirka ayaa waxaa kamid ahaa, safiirka dowladda Jabuuti ee Soomaaliya Dayib Dubad Rooble, xildhibaanno iyo  guddoomiyaha maamulka  gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo maalmihii ugu danbeeyay howlo shaqo u joogay magaalada Muqdisho

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka, saraakiisha ciidamada dowladda  iyo kuwa cidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM iyaga oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada maamulka gobolka iyo kuwa Jabuuti oo lagu sii diyaariyay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti,isagoo sheegay ciidamadasi uu kala qeyb gali doono munaasabadda xurnimada dalka jabuuti oo ku beegan 27kan bishan June.

Safiirka dalka jabuuti u fadhiya soomaaliya Dayib Dubad Rooble ayaa sheegay in shacabka soomaaliyeed ay kala qeyb gali doonaan munaasabadaha 26ka June iyo 1da Luuliyo,isagoo sheegay n ciidamada Jabuuti ee ku sugan magaalada b/weeyne ay la wadaagi doonaan farxadda maalinta xuriyada ee dalka Jabuuti.

Wafdi uu hogaaminayay wasiirka gaashaandhiga Cabdi xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa magaalada b/weeyne kulamo kula qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here