Sawiro:Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo gaaray dalka Sudan

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa gaaray dalka Sudan, iyadoona uu kulamo la qaatay madax ka tirsan dalkaas.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa socdaalka uu ku gaaray dalka Sudan, waxaa ku wehlinayay Jeneral Mungaab oo ah gudoomiyaha Maxkamada sare ee milatariga, iyo sidoo kale Saraakiil katirsan Ciidamada Xooga dalka.

Wasiirka Gaashandhiga Fiqi, ayaa xalay kula la qaatay dhigiisa dalka Sudan iyo masuuliyiin kale, waxaana wararku ay sheegayaan inuu kala hadlayay iskaashi dhexmara wasaaradaha difaaca Soomaaliya iyo Sudan.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxay casuumaad ka heleen doowlada Sudan, gaar ahaan wasiirka Gaashaandhiga dalkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here