Ciidamada booliska Soomaaliyed oo maanta dhoola-tus kusoo bandhigay Muqdisho [Sawirro]

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay Ciidamo gaar ah oo Booliska katirsan, kuwaasoo loogu talagalay ineey u gurmadaan goobaha qaraxyada ay ka dhacaan.

Ciidamada Ayaa loo diyaariyay sida iyagoo ku sugan saldhigyadooda ka dib waxaa dhacay Qarax, kaas si mala awaal ah Qeebna ka ahaa dhola tuska, Waxaana Shanqarta Qaraxa ka dib dhaqaaqay Ciidamadii loogu talagalay in ay Gurmadka Sameeyaan Dad loo Ekeysiiyay in ay Qaraxaasi ku waxyeeloobeen ayaana ciidamada kala gadisan ay gurmadka  u fidinayeen,    Waxa ayna xireen dhamaan waddooyinka Soo gala Goobta,iyagoo ku dhaqaaqeyn Daabuliska dadka dhaawaca ah, Waxaa Joogay Goobta Gaadiidka Gurmadka Deg Degga ah, dab damiska oo ku mashquulsan daminta dabkii kacay iyadoo iyo sidoo kale Gawaarida  Cusub Ee Ciidamada 888.

Sidoo kale Ciidamada ayaa soo bandhigay sida loo baaro dambiyada dhaca,iyo sidoo loo soo bandhigo waxyaabaha ka soo baxa baaritaanada ay sameeyaan ciidamaad.

Sido kale taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed Gen C/Xakiin Daahir Saacid ayaa kula dardarmar ciidmada inay u dhabar adeygaan badbadinta shacabka soomaaliyed isla marka dhawaan ay rajeynayaan iney magaalada muqdisho ka sifiyaan kooxda dhar qabayasha ee Al-shabaab,isagoo sheegay inaydhawaana u gudbi donaan goballada dalka si loo soo celiyo aminigii iyo kala danbeyntii uu dalka lahaa.

Ugu danbeyn taliyaha ciidanka booliska soomaaliyeed jGen C/Xakiin daahir saacid ayaa balan qaday in amniga ay sii hormari donaan isagoo ugu baaqay  shacabka in ay  la shaqeyaan ciidanka booliska.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here