Sawiro:Higuain oo ku biiray Napoli

Wenger ayaa cadaadis xoogan soo fuulay islamarkaasna ku qasabanaan doona inuu Rooney ama Suarez midkood soo xero galiyo, kadib markii bartilmaameedkiisii ugu weeynaa ee Higuain uu maanta £32million  ugu wareegay naadiga reer Talyaani ee Napoli.

Suarez ayaa maalmo kahor kasoo dagay London si uu ugu biiro Arsenal, laakiin Real iyo Arsenal ayaa is fahmi waayay, sidoo kale waxaa lala xiriirinayay Liverpool si uu qayb kaga noqdo Heshiiska Suarez oo ay Realmadrid dooneysay.

Higuain ayaa £31.8million ugu wareegay Napoli waxaana uu u saxiixay heshiis gaaraya ilaa 5 sano, waxaana uu isbuucii ka qaadan doonaa lacag dhan £140,000 .

Higuain ayaa lagu wadaa inuu buuxiyo booskii uu baneeyay Edison Cavani kaasoo PSG ugu biiray lacag dhan £55million isbuucii hore.

Mohamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here