Sawiro:Gabdhaha Muqdisho oo Xeebta ku soo aada Baangado

Ceebta Liido ee magaalada Muqdisho, waa mid kamid ah meelaha ugu fiican ee ay shacabka Muqdisho ku qaataan maalmaha Fasaxa shaqada iyo maalmaha Ciidaha.

shax

Labadii Maalin ee lasoo dhaafay oo ahayd 2 maalin oo ku weyn dhamaan Umada Muslimiinta, gaar ahaan Soomaalida ayaa Xeebta Liido waxaa usoo damaashaad tagay shacab Soomaaliyeed oo gaaraya ilaa boqolaal Kun, kuwaasoo isugu jiray, Waayel, dhalinyaro, Dumar iyo Ajaanibta dalka Ku sugan, sidoo kale waxaa usoo damaashaad tagay Masuuliyiin ka tirsan doowlada Federaalka Soomaaliya.

Hadaba shalay mar aan booqanay Xeebta Liido, ayaa waxaan halkaas kula kulanay qaar kamid ah Gabdhaha Muqdisho oo Xeebta ku soo aaday Baangado ay isaga difaacaan dhalinyaro caadeystay ineey Fowdeeyaan Gabdhaha doonaya ineey ku dabaashaan Xeebta.

“Dhowr mar ayaan ka dacwoonay doowladana wax weey ka qaban weyday marka sidaas ayaa nagu kaliftay inaan oo qaadano Baangado aan isku difaacno” ayay tiri mid kamid ah Gabdhaha shalay usoo damaashaad tagay Xeebta Liido oo Gacanta Midig ku wadatay Baangad.

Dhowr mar ayaa Xeebta Liido lagu faraxumeeyay Gabdho ku dabaalanayay, taasoo aysan doowlada iyo maamulka Gobolka aysan wax ka qaban ilaa iyo hadda.

Daawo Sawirada:

1 22

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here