Sawiro:Ciidamada doowlada oo saakay howlgalo ka sameeyay Wadajir

Holwgalo lagu soo qabqabtay dhalinyaro farabadan iyo dad waa weyn ayay ciidamada Booliska Soomaaliya oo garab kahelaya kuwa Nabad Sugida iyo AMISOM saakay waaberigii ka sameeyeen Xaafado katirsan degmada Wadajir.

Warbixin kooban oo AMISOM kasoo baxday ayaa lagu sheegay in howlgalladan ay ahaayeen kuwo lagu raadinayay kooxo ka tirsan Al-shabaab, waxayna xuseen in baaritaanku uu ahaa mid guri-guri ah.

“Howlgalladan waxay qayb ka yihiin kuwo lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho, waana sii socon doonaan inta laga sifeynayo caasimadda kooxaha nabadda kasoo horjeeda,” ayaa lagu yiri warbixinta ay AMISOM soo saartay.

Dad goob joogayaal ah oo degan xaafadaha ay Ciidamada howlgalada ka sameeyeen, ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamada ay xalay saqdii dhexe soo galeen xaafadaha, islamarkaasna saakay Salaadii subax bilaabeen ineey guri guri u galaan, islamarkaasna ay soo xir xiraan dhalinyarada.

“Ciidammo ayaa guryaha noosoo garaacay, markii laga furay waxay billaabeen inay meel walba baaraan, dhalliyarada iyo raggii kale ee guriga ku sugnaa oo dhanna way kaxeysteen,” ayay tiri Istar Nuur oo ka mid ahayd dadkii guryahooda la baaray.

Dhamaan dhalinyardii ay soo xir xireen Ciidamada, ayaa waxaa loo gudbiyay xaruunta CID-da halkaasoo lagu baarayo, iyadoo qaar kamid ah dhalinyaradasna lasoo daayay kadib markii lagu waayay wax danbi ah.

Amaanka muqdisho ayaa waayadii danbe ahaa mid soo xumaanayay, iyadoo xiliyada habeenkiis aqde dhexe ay dad reer Muqdisho ku soo salalaan madaafiic Hoobiyayaal ah oo kusoo dhaceysa xaafadaha qaar, waxaana masuuliyada madaafiicdaas si cad u sheegta ururka Al-shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here