Sawiro: Xasan Shiikh & Uhuro oo ku kumay Nairobi

M/weynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa maanta Qasriga Kenya (State House) kula kulmay M/weyne Uhuro Kenyata.

692x461x28.jpg.pagespeed.ic.EDh35_AUfY

Kulankan oo ahaa mid albaabada u xiranyihiin, ayaan ilaa iyo hada wax faah faahin ah laga helin.

“Waxaan maanta la shiraya madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud,xarunta madaxtooyada ayuuna shirka ka dhacaya”ayaa lugu yiri qoraal kooban oo barta Facebooka uu ku leeyahay madaxweynaha Kenya.

Marka laga yimaado kulanka labada M/weyne, waxaa maanta Xaafada Islii ee Soomaalida ku badantahay ka dhacay Howlgalo saf ballaaran ah, oo ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamada Milatariga iyo kuwa dharcada.

Ciidamada ayaa galayay Guri walbo iyo Goobaha Ganacsiga, waxaana ay qab qabteen dad aad u farabadan.

Ciidamada ayaa sii deeynayay qofkii iska bixiya Lacago baad ah.

640x960x110.jpg.pagespeed.ic.GGb7CR0Zcb 692x461x28.jpg.pagespeed.ic.EDh35_AUfY 615x410x45.jpg.pagespeed.ic.PDI8SoT6qf 623x482x35.jpg.pagespeed.ic.EGPCvgqikW

1 COMMENT

  1. Waa sawiro Qurxan in 2da Madaxweyne kulmaan oo ay ka tashadaan Danaha iyo Hormarka 2da dal ee jaarka ah. Laakiin arinta kenya ka dhacdey Shacabka soomalida wax shaqo ah kuma leh. Dadka Soomaliyeed waa Dad jecel Nabada. waana dad shaqeysta oo aan cidna ku tiirsaneyn. Dowladda kenya Gaar ahaan laamaha Amniga waxaa laga rabey iney shaqadooda si wanaagsan oo daacadnimo ku jirto u gutaan. Waxayna ahayd iney si sax u baaraan waxa dhacey iyo cida ka dambeysay. laakiin waxaan aaminsanahay in Laamaha amniga iyo ciidankuba xaq aysan u lahayn iney sameeyaan Baaritaan Guud oo arinta laga dhigo si jamac ama wadar ah.
    Dadka Soomaiyeed waa mujtamaca keliyah ee sida cad ee muuqda wax uga badalay Nolosha Dad badan oo Kenyan ah oo ku tiirsan Ganacsiyadooda.

    Dowladd kenya iyo shacabka Soomaliyeedba waxay u wada baahan yihiin in la sameeyo ciidamo Soomali Police ah oo sugi kara Amniga suuqa heystana Agab iyo tababar ku filan. Uma Baahna ciidan ka yimid dalka qeybihiisa kale.. ee ku shaqeynaya Dano iyo Staratigid dad kale wataan oo lagu abuurayo Jawi xasilooni daro…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here