Sawiro xaqiijinaya in C.ronaldo uur loo leeyahay

Ronaldo iyo Rodriguez ayaa nasiino u aaday Mediterranean Island, waxaana safarkaan ku wehlinaayey wiilka curadka ah ee Ronaldo.

Waxaa dhab u muuqanaya wararkii xanta ahaa ee soo baxay horraantii Isbuucaan ee sheegayey inay uur leedahay Rodriguez una leedahay Ronaldo, iyadoo weliba akoonkeeda Instagram Isbuucaan soo dhigtay sawir ay dhakhtar kula jirto taasoo loo gartay inay wax walba adduunka u caddeyneyso.

Warkaanse waxaa markii hore dhaliyey xiddiga Real Madrid kaasoo sawir uu soo dhigay akoonkiisa Instagram uuna kula jiray jaceylkiisa la arkay isagoo caloosheeda gacanta ku haya, waxaana loo micneeyey inay 22 sanno jirtaani xaamilo u tahay.

Hase yeeshee, hooyada dhashay CR7 ee maama Dolores Santos ayaa isku dayday inay xantaan qaboojiso markii ay la hadashay wargeyska kasoo baxa dalka Portugal ee Flash, iyadoo sheegtay inay ogtahay in wiilkeedu uusan aabe noqon doonin dhawaanahaan.

 

Wax walbase Isbuucaan ayey si rasmi ah u kala caddaadeen markii ay labadoodu dalxiis isla aadeen. Gabadhaan kusoo barbaartay magaalada Jaca oo dhacda Waqooyi Bari dalka Spain ayaana la arki karaa inay xaamilo tahay oo caloosheedu buuran tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here