Sawiro: Wasiir ka tirsan Xukuumada oo dhacdo la yaab leh ka sameeyay Garoonka Muqdisho

Wasiiro,taliyayaal ciidan iyo Xildhibaano katirsan DF, ayaa kamid noqday dadka la baarayo ee maraya baaritaanka adag ee lagu soo kordhiyay Garoonka Diyaarada Muqdisho, waxaana ugu dambeeyay wasiirka Maaliyada Doowlada Federaalka, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) oo si caadi ah u maraya Baaritaanka xili uu sagootinayay Caruurtiisa oo shalay oo Jimco ahayd ka duuleeysay Garoonka Muqdisho.

Sheekadan ayaa waxaa bartiisa Facebooka kusoo daabacay Wariye Maxamed Ibraahim Macalimuu:

Wasiir min bilow ilaa iyo dhamaad feylka nagula jiray intii aan soo marnay oo idil .Aqoon gaar uma lihi Wasiirka ,laakiin waa nin macruuf ah ,hadda ka hor ayaan mar wareystay ,dhowr jeer oo uu shir saxaafadeed qabtayna waa aan ka qeyb galay. Waa Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aden Fargeeto. Iga rumeyso Wasiirka min bilow ilaa iyo dhamaad shacabka ayuu dhex jiray waxa uuna la wadaagayay amarrada caadiga ah ee shacabka la siinayay ,istaaga ,dib u daga ,soo dhaafa IWM,balse intaas oo idil Wasiirku hal mar afkiisa kama uusan soo bixin inuu Wasiir yahay ,carruurtiisa ayuu daadihinayay. Waxaa jiray xildhibaano baartitaanka maryay hase yeeshee aan shacabka ku goob aheyn.

Markii la soo gaaray goob aanan loo ogoleyn in ay shacabka ka gudbaan ayaa wasiirka askari uu ku yiri ma adigaa dhoofaya ,Wasiirku waxa uu yiri ,maya ee caruurtaa dhoofeysa,haye halkaaga ka noqo ayaa la yiri ,Wasiirka caruurtiisa ayuu ku yiri nabadeey oo uu gacan haatiyay ,mar labaad ma sheegan inuu Wasiir yahay ,wuuna iska laabtay .Dadkii safka aan ku wada jirnay oo qaarkood waji yaqiin Wasiirka ayay arintan dood ka dhex dhalisay ,nin oday ah ayaa soo booday wuxuu yiri Wasiirku waa ilbax waana isku kalsoon yahay ,Wajeer baa inoogu dhow markaan tagno amarka waa la qaadanayaa ,maxaa diidaya in badbaadada wadanka awgiis uu amarka askariga Soomaaliyeed raaco oo aan kuwada calool fiyoobaano.

Fiiri sawirada hoose

12688234_10208512418598168_5084348691400982080_n12743671_10208512418638169_3504754121858140410_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here