Sawiro: Warshad dharka ciidamada samaysa oo Muqdisho laga hir galiyay

Turkiga oo Muqdisho ka dhisaya warshad dharka ciidamada samaysa
User commentsTurkiga oo Muqdisho ka dhisaya warshad dharka ciidamada samaysa

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta dhagax dhigay Warshad casri ah oo sameyn doonta labiska Ciidanka Qalabka sida, waxana sidoo kale furitaanka Warshaddan goob-joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda.

Warshaddan oo dhismaheeda ay gacan ka siinayso dawladda Soomaaliya dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga, waxa ay ciidamada ka haqab tiraysaa baahida labiska taasi oo keenaysa in laga maarmo labisyada kala duuwan oo haatan la isticmaalo marar badana cadowga ku fuliyo weeraro. Waxana Wasiirku uu sheegay in lixda bilood ee ugu horeysa sanadka cusub uu ku soo gaba-gaboobi doono mashruucan.

“Maanta waa maalin taariikhi ah waxaan dhagax dhignay warshaddii Ciidamadda u toli lahayd dharka, waxaan rajeynayaa in warshadani ay anfacdo dalka oo dhan. Warshaddan waxaa noogu deeqay dawladda Turkiga oo mahad uga celinayno” ayuu yiri Wasiir Diini.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii ay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed u heli lahaayeen dhammaan agabka ay u baahan yihiin si ay dalka guud ahaan u sugaan ammaankiisa. Iyadoo sanadka cusub ee 2016 uu noqon doono mid isbadal ballaaran lagu sameyn doono Ciidanka X.D.S.

User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments
User comments

1 COMMENT

  1. Waa Tilaabo Wanaagsan oo Horey loogu Qaadey Dhanka Horumarka & Wax soo saarka Dalka….

    Soomailyadda Cusub, waxa laga doonaya iney awood u yeelato Mustaqablka Dhow in dalka gudihiisa laga soo saaro dhamaan Agab wixii dalka looga baahan yahay.. lagu sameeyo.
    WArshadaha dalka oo la howlgeliyo, Dib u habeyn Buuxdana lagu sameeyo, waxay qeyb muhiim ah ka ciyaari karaan Heerka HORUMARINEED ee wax soo saarka Dalka… Haddii la helo warshado badan, waxa raqiis noqonaya waxkasta oo dalka laga isticmaalo..

    Waa ku mahadsan tahay Dowladda Federaalka Soomaliya sida wanaagsan oo ay isaga xil saartey in la soo celiyo & Dib u habeyna lagu sameeyo Warshadihii wax soo saarka ee Dalka Soomaliya…

    Warshada dharka – Balcad
    Warshadada sokorta -mareereery
    Warshadda Caana – Alabakara
    Warshadda Baastadda – Heli waa
    Warshadda Yaanyadda ee Itop – Afgooye.

    Warhasadda dalka oo dib loo howl geliyo waxay kaalin weyn ka qaadan karaan in Soomaaliyadda Cusub gaarto heer isku filnaasho Mustaqbalka Dhow, Iinsha Allah…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here