Sawiro: Waa kuwee Ciidamada Ilaaliya Safiirka Turkiga ee Muqdisho?

turkey-embassy-mogadishu-3Safaarada Turkiga ay ku leedahay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Cabdul Casiis iyo Safriika Olgan Bekar, ayaa waxaa ilaaliya Ciidamo Turkish oo qaas ah, kuwaasoo si aad ah u hubeysan.

Ambassador Olgan Bekar, ayaa markii uu safaarada ka baxayo islamarkaasna doonayo inuu booqdo Meel kamid ah Muqdisho, waxaa galbiya oo ilaaliya Gawaarida daboolan ee aan xabadu karin islamarkaasina ay saaranyihiin Ciidamo Turkish ah.

turkey

Dhinaca kale waxaa xusid mudan in wadada hormarta safaarada ee ka timaada FIAT ay gabi ahaanba xirantahay loona ogoleen ineey maraan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in Safaaradu ay ku taal meel si aad ah ugu dhow xaruunta taliska Ciidamada Nabadsugida Qaranka Guriga “Habar Qadiijo”

Isha: Warfaafiye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here