Sawiro & Video: Turkiga oo warshad Rootiga samaysa ka furay Muqdisho

Dadaalada Dowladda Turkiga ka wado Muqdisho ayaa sii ballaaranaya, ee lagu gargaarayo shacabka Soomaaliyeed. ururada aan dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn ee Turkiga ayaa magaalada Muqdisho iyo gobolada nabdoon qaarkood ka wada mashaariic lagu gargaarayo bulshada Soomaaliyeed.

Arrimaha gargaarka ee soo jiidashada leh ee Turkiga ka hirgelisay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah warshad rootiga sameysa “dubta”, taasoo ay ku tiirsan yihiin dad badan oo Soomaaliyeed, loona iib geeyo hoteelada iyo suuqyada Muqdisho. waxaa sidoo kale lagu taageeraa rootigaasi ay dubto.

Joogitaanka qaaradda Afrika ee Turkiga ayaa si weyn u kordhay shan iyo toban sano ee u dambeeyey. Sannadkii 2008, Midowga Afrika ayaa sheegay in Turkiga uu lammaane istiraatiiji ah la yahay Qaarada. Xiriirkana wuxuu ku salaysan yahay ganacsiga, diblomaasiyadda, is-weydaarsiga dhaqanka, iyo horumarka, laakiin Somalia, wuxuu Turkiga ka howl bilaabay 2011-kii, waxaana la ogsoon yahay in sida uu Somalia ugu soo gurmaday in uusan ugu gurmadan dalalka kale ee Africa.

warshad-rooti-turki-xamar-4warshad-rooti-turki-xamar-1 warshad-rooti-turki-xamar-3

Xigasho: Warfaafiye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here