Sawiro: Ugaaska Gaal-jecel oo lagu soo dhaweeyay Sweden

Ugaas C/raxmaan Ugaas C/laahi Ugaas Muxumud Ugaas Cilmi Ugaas Jirow,, iyo wafdi la socday oo isugu jiray Xildhibaano iyo siyaasiyiin kuwaas oo mudooyinkan booqasho ku marayey qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa ayaa xalay si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

ugas2

Qeybaha kala duwan ee Jaaliyada ku nool dalka Sweden, ayaa ka qeyb qaatay soo dhaweynta Ugaaska, waxaana halkaas laga jeediyay Khudbado aad u farabadan.

Xildhibaan Dahir Amiin Jeesoow oo ka mid ahaa wafdiga Ugaas C/raxmaan  goobta ka hadlay ayaa bulsha weynta Soomaaliyeed ee dalka Sweden soo gaarsiiyey salaan uu ka waday gudoonka baarlamaanka iyo xildhibaanada Soomaaliyeed, isaga oo dhinaca kale ka war bixiyey xaaladaha siyaasadeed  iyo nabadgalyo ee dalka Soomaaliya.

Ugaas C/raxmaan ugaas C/laahi oo gunaanadkii xaflada hadalo kooban ka jeediyey ayaa u mahadceliyey jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Sweden, waxa uuna safarkiisa ku macneeyey in  uu ahaa sidii uu wax badan uga ogaan lahaa dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool dareenkooda, waxa uuna balan qaaday dhamaan fariimaha  culus ee looga soo dhiibay dalalkii uu booqday in uu dalka Soomaaliya  iyo duubabka dhaqanka kula laaban doono,  isaga oo halkaasina  duco dheer ka jeediyey .

ugas9 ugas1 ugas2 ugas3 ugas4 ugas5 ugas6 ugas7 ugas8

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here