Sawiro Tayo leh: Damaashaadka Real Madrid oo weli ka socda Caasimada Spain

06_29094934_30d4f1_2897062aReal Madrid ayaa u dabaaldegtay hanashadooda taariikhiga ee Champions League iyagoo bas dusha ka furan ku soo maray wadooyinka Madrid.

Ciyaaryahanada Zuu Zuu, ayaa kasoo duulay Caasimada Milano, ka dib markii ay rigoore kaga badiyeen kooxda ay deriska yihiin ee Atletico Madrid, waqtina kuma dhuminin inay bas dusha ka furan koraan oo ay koobka kula dabaaldegaaan kumanaan kun taageerayaal ah oo isagu soo baxay wadooyinka caasimada Spain.

Real ayaa ku guuleysatay koobkeedii 11aad ee Champions League ka dib rigoorayaal 5-3 ah oo ay ku garaacday Atletico iyadoo ciyaar xiiso badan ay ka dhacday xalayto garoonka San Siro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here