Sawiro soo koobaya Taariikhda Halyeeyga Liverpool “Gerrard”

steven-gerrard oo u dabaal degaya Goolkii uu Olympiacos ka dhaliyay sanadkii 2004
steven-gerrard oo u dabaal degaya Goolkii uu Olympiacos ka dhaliyay sanadkii 2004

Kabtankii hore ee Liverpool iyo qaranka England Steven Gerrard ayaa ciyaaraha ka fariistay, isaga oo soo afjaray 19 sano oo uu soo ciyaarayay.

Gerrard, oo 36 jir ah ayaa 710 ciyaarood u saftay kooxda Liverpool, wuxuuna kula guulaystay sideed koob oo waawayn, laakiin markii dambe wuxuu ku biiray kooxda LA Galaxy ee ka dheesha horyaalka MLS sanadkii 2015-kii.

steven-gerrard-kulankiisi ugu horeeyay ee uu u saftay Liverpool, wuxuna ka horymid kooxda Blackburn Rovers sanadkii 1998
steven-gerrard-kulankiisi ugu horeeyay ee uu u saftay Liverpool, wuxuna ka horymid kooxda Blackburn Rovers sanadkii 1998

Waa ciyaar yahanka afraad ee ugu safasho badan xulka England isaga oo u dheelay 114 kulan.

Gerrard ayaa sheegay in uu waxyaabo badan oo wanaagsan u soo joogay intii uu ciyaarayay.

Wuxuu sheegay in uu u mahadcelinayo qof kaste oo wakhtigaas wanaagsan la soo qaatay intii uu u ciyaarayay kooxaha Liverpool, England iyo LA Galaxy.

steven-gerrard ayaa koobkiisi ugu horeeyay LIVERPOOL kula guuleeystay sanadkii 2001
steven-gerrard ayaa koobkiisi ugu horeeyay LIVERPOOL kula guuleeystay sanadkii 2001

Gerrard ayaa sheegay in ay u rumawday riyadii yaraantiisii markii ciyaartiisii u horaysay uu u saftay Liverpool 1998-dii markaas oo ciyaartii u horaysay ay la yeesheen Blackburn Rovers.

Wuxuu intaas ku daray in uusan qiyaasi karin 18-kii sano ee ciyaartaas ka dambeeyay.

liverpool-v-ac-milan-football-may-2005 steven-gerrard-1 steven-gerrard-anfield-highs-and-lows-2

By Rashka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here