Sawiro: Roy Kean oo u hanbaleeyay C.ronaldo kadib guushii xalay

Kabtankii hore ee Manchester United Roy Keane, oo kamid ahaa wariyaashii Xalay tabinayay Ciyaartii dhex martay Bayern Munich iyo Realmadrid, ayaa markii ay ciyaarta dhamaatay muujiyay sababta uu ugu codeeyay in CR7 uu yahay laacibka aduunka, isagoo xabadka galiyay kadib markii ay ciyaarta soo idlaatay.

Labadaan xidig oo mar ka wada tirsanaa Manchester United, ayaa hab isa siiyay kadib markii ay soo idlaatay Ciyaarta, waxaana la arkayay iyagoo is dhaafsanaya Kaftan iyo hadalo kale.

Ronaldo ayaa dhaliyay 2 kamid ah Goolashii 4ta ahaa ee Xalay lagu xaaqay Bayern Munich, waxaana mid kamid ah uu ahaa free-kick.

cr7 and royfacub waayihi man cr7 cr andr

 

Ronaldo iyo Keane oo waayo wanaagsan ku wada qaatay United, ayaa sanadkii 2004 waxay isla qaadeen koobka FA CUP-ka, waxayna ka qaadeen Naadiga Millwall, Ronaldo ayaana dhaliyay 3da Gool ee looga adkaaday Millwall.

C.ronaldo,ayaa xalay Taariikh isaga gaar u ah u sameeyay Champions League, kadib markii uu dhaafiyay Rikoorki Messi, kaasoo hal xili ciyaareed Champions League ka dhaliyay 14 Gool.

Ronaldo, ayaa hada ku hogaaminaya Gool dhalinta Champions League 16 Gool.

18 15 16 17

Xuquuqda Sawirada: Dailymail

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here