Wiilasha Luciano Spalletti ayaa galabta soo yareeyay farqiga dhibcaha ee u dhaxeeya Iyaga iyo Juventus iyagoo hada 1 dhibic oo qura ujirsaday Hogaanka Sera A.
Roma iyo Chievo ayaa galabta yeeshay ciyaar waali ah iyadoo Chievo ay 2 mar hogaanka qabatay, balse Roma ayaa ugu dambeyn gaartay Guul ay u dagaalantay.
Sadexda Gool waxaa Roma u kala dhaliyay Stephan El Shaarawy,Mohamed Salah iyo Edin Dzeko .
Roma ayaa u muuqata mid aan wali ka quusan ku guuleeysiga Sera A, waxaana hada Juve ay ka sareeysaa 1 dhibic oo qura, balse Juve ayaa haysata kulan u baaqday.