Sawiro: Qaar kamid ah Odoyaasha dhaqanka Hiiraan & DF oo heshiis gaaray

7E07E91B-378A-4A98-82BC-713D2FF538BF_w640_r1_sDowladda Somalia ayaa sheegtay inay heshiis la gaartay odoyaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan ee iyagu diidanaa shirka jowhar ee maamulka loogu dhisayo gobollada Hiran iyo Sh/Dhexe.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan Beledweyne ayaa beelahan heshiis la galay oo ka dhaadhiciyay inay shirka dib ugu noqdaan. Wararka ayaa sheegaya inuu jiro balanqaadyo beelahan uu madaxweynuhu u sameeyay.

Heshiiska ayaa dhigaya in odoyaasha labada gobol ay noqdaan kuwa haga talada shirka, dowladduna ay noqoto tii fududeyn lahayd howlaha shirka.
Duubabka kasoo horjeestay heshiiska dowladda iyo odayaasha Hiiraan ee beri ka noqday waxaa ka mid ah, Ugaas Xassan Ugaas Khalif, Ugaas Cali Ugaas Xassan iyo Ugaas Cali Ugaas Muxumed oo diiday in mar kale wada hadal laga yeesho arinta shirka Jowhar.

Markii uu soo dhammaaday kulanka duubabka, ayaa waxaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta maamulka gobolka Hiiraan shan ugaas dhaqameed iyo wasiirka arrimaha gudaha Somalia iyo federaalka C/raxmaan Max’ed Xusseen “Odawaa” oo si wadda-jir ah ugu dhawaaqay in leysku afgartay shirka Jowhar, dhawaanna sidda ugu dhaqsiyaha badan u furmi doono.Waxaa dhanka kale, shir jaraa’id si wadajir u qabteen Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Ugaas Cali Ugaas Xasan iyo Ugaas Cali Ugaas Muxumed oo sheegay in aysan arinta shirka Jowhar iyo heshiiska Dowladda ku mideysneyn waxgaradka gobolka Hiiraan, ciddii tageysana ay iyada u taal.
Ugaasyada ku dhawaaqa in ay aqbalaan ka qeyb-galka shirka Jowhar ayaa kala yihiin Ugaaska beesha Gaaljecel, Ugaas C/raxmaan Ugaas C/llaahi, Wabarka beesha Jajeele Wabar Geedi Wabar Xassan, Wabarka Baadi-cadde Wabar Max’med Wabar Axmed, Ugaas beesha Jidle, Ugaas C/naasir Ugaas Nuur iyo Ugaaska beesha Baajimaal Ugaas C/xakiin Ugaas Maxaad.
Halka dhinaca kale, go’aankaan ay is hor-taageen Ugaasyada kale ah; Ugaas Xassan Ugaas Khaliif, Ugaas Cali Ugaas Xassan iyo Ugaas Cali Ugaas Muxumed Shafeec.

Xasan-ugaasyo-hiiraan-2Xasan-ugaasyo-hiiraan-3 Xasan-ugaasyo-hiiraan-6 Xasan-ugaasyo-hiiraan-8

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here