Sawiro: Qaabkii loo toogtay raggii dilay wariyad Hindiya

32FEE28D00000578-3531318-image-a-28_1460202807881Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay labadii nin ee ka dambeysay dilka Allaha u naxariistee Marxuum Hindiyo Xaaji Maxamed, kuwaasi oo kala ah C/risaaq Maxamed Barrow Caddow iyo Xasan Nuur Cali Faarax.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka Cabdcasiis Guuleed Afrika ayaa ku soo waramay in maxkamadda ay saaka xukunkii cadaaladda ah ku fulisay C/risaaq Maxamed Barrow Caddow iyo Xasan Nuur Cali Faarax oo ahaa raggii dilay Allaha u naxariistee marxuum Hindiyo Xaaji Maxamed oo ka mid ahayd suxufiyiinta Wasaaradda Warfaafinta.

Sadexda bishii 12aad ee sanadkii 2015 ka ayay ahayd markii C/risaaq Maxamed Barrow Caddow iyo Xasan Nuur Cali Faarax ay gaarigeeda Allah u naxariistee Hindiyo Xaaji Maxamed Kheyre ugu xireen qarax, waxaana 25ka bishii February Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida ay xukunno kala duwan ku riday labada nin, iyadoo maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ay laashay xukunkaasi, kuwaasi oo 20-kii March ay labaduba ku riday xukun dil ah, waxaana saaka lagu fuliyay xukunkaasi.

32FEE27F00000578-3531318-image-a-29_1460202813119 32FEE29D00000578-3531318-image-a-27_1460202801568 32FEE27300000578-3531318-image-a-26_1460202801562 32FEE27700000578-3531318-image-a-30_1460202827565 32FEE29900000578-3531318-image-a-32_1460202853551 32FEF4AC00000578-3531318-image-a-25_1460202799118

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here