Sawiro: PL oo soo bandhigtay Shabaab nool & kuwo dhintay

Maamul Goboleedka Puntland, ayaa maanta saxaafada usoo bandhigay Shabaab nolosha lagu qabtay iyo kuwo la dilay, kadib dagaal xoogan oo Ciidamada maamulkaas xalay Buuraha Gal-Gala kula galeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

1

Col.Cabdiraxmaan Cali Xuseen ayaa warbaahinta u sheegey in ciidanka Puntland ay ka warheleen koox ka tirsan al-Shabaab oo gaarey laamiga si ay u qaataan sahay. Kooxdan ayaa gaarayey 17 nin oo hubeysan.

Kooxdan al-Shabaabka ah ayaa gaari kala degaayey sahay waxaana gaarigu ka yimid Koonfurta Soomaaliya sidoo kale waxaa gaariga saarnaa laba naagood oo ahaa xaasas ay qabaan al-Shabaab.

Sidoo kale,wuxuu intaas ku daray iney gacanta ku dhigeen Sarkaal sare oo la yiraahdo Xaaji Shiikh Nuur balse aan dhaawac ahay halka magaciisa Xarakiga ahna loo yaqaan Shiikh Shaam kan kale oo dhaawaca ahna la yiraahdo Maxamed Cabdi Axmed.

Halkaan ka daawo Sawirada:

8 1 2 3 4 5 6 7

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here