Sawiro: NISA oo fashilisay qarax xooganaa oo ay al-shabaab…

14693358106884aCiidanka Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Somaliyeed ayaa ku qabtay Degmada Boondheere gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa kaasoo la soo dhigay degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Gaariga ayaa la sheegay in la soo dhigay goob ay ku badan yihiin bulshada degmada Boondheere.

Guddoomiyaha Degmadaasi Boondheere Qaasim Cabdulle Xasan, ayaa sheegay ujeedka laga lahaa gaarigaan waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay inuu ahaa in lagu laayo shacabka Somaliyed.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha shacabka oo arkay gaarigaan inay ku wargeliyeen Hay’adaha ammaanka ee Dowladda, kadibna sidaasi looga hortagay.

“Dhibaato ayay u maleegayeen dadka masaakiinta ah, waad ujeeddaan gaariga waxaa laga helay Fuusto ay kabuuxaan aaladaha qarxa, Haamo, Jawaano biro iyo boolal laga soo buuxiyay RPJ iyo qoryo.”Ayuu yiri Mudane Qaasim

Ciidamada ammaanka Dowladda ayaa ku guda jira xilliyada habeenkii ah feejignaan dhanka ammaanka, si aysan u dhicin falal lidi ku ah dhanka amniga.

1469335808e2632 1469335815fbdb6 14693358057f549 14693358182ae82 146933579936244 f9c5794f051dd871106a

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here