Sawiro: M/weynaha oo si weyn loogu soo dhaweeyay Addis

Madaxweynaha Jamhuuridda Soomaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi balaran oo uu hogaaminaayo aya galanta ka soo dagay garoonka diyaaradaha magaaladda Adis Ababa ee dalka Ethiopia.

Madaxweyne Xasan oo si weyn loogu soo dhaweeyay Addis-Ababa
Madaxweyne Xasan oo si weyn loogu soo dhaweeyay Addis-Ababa

Madaxweynaha Soomaliya iyo wafdigiisa waxaa si diiran ugu soo dhaweenaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Adis Ababa mas’uuliyeen ka tirsan dowlada Ethiopia, wasiirka Maaliyadda Soomaliya iyo safaaradda Soomaliya ee dalka Ethiopia.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaliya oo uu hogaaminaayo ayaa waxaa ka mid ah wasiirka cadaalada iyo garsoorka mudane Farax Sh. Cabdulqaadir, wasiirka gaashaadhiga mudane Maxamed Sh. Xasan iyo wasiirka batroolka iyo macdanta mudane Da’ud Maxamed Cumar iyo howl wadeen ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Soomaliya.

Wasiirka Maaliyada Soomaliya Mudane Xuseen Cabdi Xalane ayaa ka warbixiyay safarka Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaliya mudane Xasan Sh. Maxamuud kuu yimid magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia, isagaa sheegay in maalinta birito ah uu madaxweynaha la kulmi doono Ra’iisul wasaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka Jhon F. Kerry.

Safarka Madaxweynaha Soomaliya mudane Xasan Sh. Maxamuud uu ku yimid dalka Ethiopia ayaa wuxu yahay booqasha hal maalin ah, kaas oo kulamu kula yeelan doono Ra’iisal wasaraha Ethiopia iyo Xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka.

9 1 2 3 4 5 6 7

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here