SAWIRO: Muungaab oo la kulmay Duqa Magaalada Doxa

Muqdisho, November 13, 2014-Gudoomiyaha Goboblka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane. Xasan Maxamed Xuseen ”Muungaab” ayaa kula kulmay maanta magaalada Dooxa ee Caasimada dalka Qatar Duqa magaalada Dooxa Mudane.Maxamed Axmed Sayid kadib Casuumaad rasmi ah oo uu ka helay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Doxa ayaa kulankooda uga wadahadlay arrrimo ay ka mid yihiin  hawlaha Hormarineed iyo dib u dhiska ka socda Caasimadda Muqdisho iyo sidii loo sii balaarin lahaa.

Gudoomiyahaba ayaa warbixin ka siiyay Duqa magaalada Doxa Hormarka iyo halka ay hada tiigsanayso Caasimadda magaalada Muqdisho isagoo sidoo kale u gubiyay lifaaqa warbixin muujinaysa baahida guud ee dhanka horumarineed ee ka jirta magaalada Muqdisho taasi oo uu sheegay Gudoomiyuhu inuu rajaynayo in dawlada Hoose ee Qatar ay ka taageeri doonto.

Dhankeeda Dawladda Hoose ee Qatar ayaa waxa ay balan qaaday inay mashaariic la taaban karo ka qaban doonto am ka fulin doonto  Caasimadda magaalada Muqdisho, waxa uuna sheegay Duqa magaalada Dooxa inay ka fulin doonan magaalada Muqdisho mashaaric lagu hormarinayo dhismaha wadooyinka iyo Bilicda magaalada.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale la kulmay Taliyaha gurmadka deg degga ah ee dawlada Qatar Cabdullahi Maxamed Al-sowaidi waxa uuna balan qaaday inay tababar iyo qalabeyn siin doonan Waaxda Gurmadka deg deg ah ee Dawladda Hoose ee Muqdisho.

Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Mudane. Xasan Maxamed Xuseen ‘’ muungaab’’ ayaa la filaa inuu kulamo la yeesho masuuliyiin ka tirsan Wasaarada arrimaha dibadda ee Dawladda Qatar.

unnamed

unnamed-3

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here