Sawiro muujinaya qaabkii ay Drones-ka Mareeykanka u dileen Hogaamiyihii Thaliban

Kabul-Mid kamid ah Diyaaradaha Drones-ka Mareeykanka ee aan duulliyaha lahayn, ayaa shalay Gantaal la heshay Gaari uu saarnaa sida la aaminsanyahay Hogaamiyaha kooxda Thaliban Mullah Akhtar Mansour.

Kooxda Thaliban ayaa xaqiijisay in la dilay hogaamiyahooda Mullah Akhtar Mansour, waxaana la filayaa ineey maanta soo saaraan Fariin cod ah oo ay arintaas ku xaqiijinayaan.

Duqeynta lagu dilay Mullah Akhtar, ayaa ka dhacday xuduudka ay wadaagaan Pakistan iyo Afghanistan, waxaana xiligii la dilayay Gaariga la saarnaa darawalkiisa, kaasoo isna ku dhintay goobta.

Mullah Akhtar Mansour, oo hogaanka ka dhaxlay hogaamiyihii hore ee isna duqeynta lagu dilay Mullah Omar, ayay Mareeykanka iyo Pakistan ku eedeeyeen inuu diidanaa waan waanta la doonayay in lala galo kooxda Thaliban.

Sawirada aan idiin soo bandhigi doono islamarkaasina aan kasoo xiganay wargeyska Daily Mail, ayaa waxeey muujinayaan Meydka Mullah Akhtar Mansour iyo darawalkiisi, muuqaalka labada meyd ayaa ah kuwo si aad ah u gubtay oo aan la aqoonsan karin, waxaana hada lagu haayaa Isbitaal ku yaala Pakistan, halkaasoo lagu xaqiijinayo DNA-gooda in Mullah Akhtar uu yahay ruuxa la dilay.

Doowlada Afghanistan iyo kooxda Thaliban, ayaa labaduba xaqiijiyay geerida Mullah Akhtar Mansour.

Halkaan ka daawo Sawirada:

347C85ED00000578-3602691-image-a-59_1463913267502 347CCCD100000578-3602691-image-a-61_1463913275059 347D5E7900000578-3602691-image-a-129_1463923614640 347D31E400000578-3602691-image-a-64_1463913317623 347D33EA00000578-3602691-image-a-60_1463913270561 347D46D300000578-3602691-image-a-2_1463924884721

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here