Sawiro: Meydadka ciidamada Kenya oo daadsan wadooyinka Ceel-cade

Guutada Saalax Cali Nabhaan ee weerarka fulisay
Guutada Saalax Cali Nabhaan ee weerarka fulisay

Meydadka ciidamada Kenya, ayaa saakay daadsan wadooyinka deegaanka Ceel-cade ee Gobolka Gedo, kadib markii ay halkaas weerar xoogan shalay ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.

Weerarka ayaa shalay ka dhacay deegaanka Ceel-cade oo 340 Mile dhinaca qorax u dhac kajirta magaalada Muqdisho, waxaana weerarkan ay Al-shabaab ku qaaday saldhiga ciidamada Kenya halkaas ku lahaayeen, uu isugu jiray qaraxyo is-miidaamin ah iyo weerar toos ah.

Weerarkan oo ahaa mid kedis ah, ayaa dhacay markii laga soo baxay salaada Subax. Weerarka ayaa ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo uu waday qof is-miidaamiyay, waxaana xigay weerar toos ah, iyadoo dagaalyahano aad u hubeysan oo Al-shabaab katirsan ay gudaha ugu daateen saldhiga.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da, ayaa sheegay ineey halkaas ku dileen ilaa 67 katirsan ciidamada Kenya, waxaana uu shegay in weerarkaas ay fuliyeen dagaalyahano si qaas ah loo soo tababaray oo loogu tala galay ineey weeraraan saldhigyada AMISOM.

“Majirin dagaal sidaas u xoogan oo meesha ka dhacay, waxaan dilnay 67 kamid ah, waxaan gacanta ku dhignay 31 kamid ah gawaarida gaashaamaan oo halkaas tiilay, sidoo kale waxaan kala wareegnay dhamaan wixii yiilay saldhiga” ayuu yiri afhayeenka u hadlay Al-shabaab.

Waa mid kamid ah Gawaarida Gaashaaman ee ciidamada kenya laga qabsaday
Waa mid kamid ah Gawaarida Gaashaaman ee ciidamada kenya laga qabsaday

Dhinaca kale afhayeen u hadlay ciidamada Kenya, ayaa beeniyay tirada ay Al-shabaab sheegatay ee ah ineey 67 askari ka dileen, waxaana uu ku gaabsaday in labada dhinac ay ciidamo iska dileen.

Weerarkaan ayaa noqonaya kii sadexaad oo nuuciisa ah oo ay Al-shabaab ku qaado saldhigyada ciidamada AMISOM wax ka yar hal sano. 54 kamid ah ciidamada Burundi ayaa ku dhintay weerar ay Al-shabaab ku qaaday saldhig ay ciidamada Burundi ku lahaayeen deegaanka Leego ee gobolka Shabeelaha Hoose, sidoo kale in kabadan 70 askari oo ciidamada Uganda ka tirsan ayaa ku dhintay weerar dhacay 19-kii Sep ee sanadkii hore.

In ka badan 25,000 askari kana socda wadamada Afrika, ayaa ku sugan gudaha Soomaaliya, kuwaasoo wata magaca AMISOM.

Ilo madax banaan oo ku sugan deegaanka Ceel-cade, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Calanka Madowga iyo Cadaanka ah ee Al-shabaab laga taagay saldhigii ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceel-cade.

Sidoo kale qaar kamid ah dadka ku nool Ceel-cade oo ah halka weerarka ka dhacay, ayaa BBC-da u sheegay ineey arkeen tiro meydad ah oo katirsan ciidamada Kenya oo daadsan wadooyinka.

Meydadka ciidamada Kenya oo daadsan wadooyinka Ceel-cade
Meydadka ciidamada Kenya oo daadsan wadooyinka Ceel-cade

Ruux dukaan ku leh deegaanka Ceel-cade oo isna u waramayay BBC-da, ayaa sheegay inuu arkayay ciidamada Kenya oo isaga cararaya saldhiga, halka dagaalyahanada Al-shabaabna ay ku sugnaayeen dhamaan wadooyinka soo gala magaalada.

“Waxaan arkeynay dagaalyahanada Al-shabaab oo ku sugan dhamaan wadooyinka Ceel-cade” ayuu yiri Cabdulaahi Iidle oo isna u waramay wakaalada wararka Reutres.

Qaar kamid ah warbaahinta gudaha iyo baraha Bulshada kuwada xiriirto, ayaa waxaa lasoo dhigay sawirada Meydadka qaar kamid ah ciidamada Kenya oo wadooyinka Ceel-cade daadsan.

Dhanka kale Diyaaradaha dagaalka Kenya oo ka fal celinaya weerarka Al-shabaab, ayaa duqeyn xoogan oo saf mar ah ku qaaday deegaanka Ceel-cade, waxaana lasoo sheegayaa iney beegsadeen deegaano ay ku noolaayeen dad shacab oo u badan xoolo dhaqato, mana jirto ilaa iyo hada faahfaahin laga helay khasaaraha ka dhashay duqeymahaas.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here