Sawiro- Messi oo kooxdiisa ka caawiyay ineey Garaacaan Real Socidad

Kulanka ayaa ku bilowday mid ay kooxda Barcelona ciyaarayso kubada weerar ku dhisan oo ay ku doonayso in ay goolal badan uga dhaliso kooxda Real Sociedad.

Messi oo Barcelona gaarsiiyay guul ay u rafaadeen
Messi oo Barcelona gaarsiiyay guul ay u rafaadeen

Barcelona ayaa ka midho dhalisay weerarkii badanaa ee ay ku haysay daafaca kooxda Real Sociedad iyada oo daqiiqadii 17-aad heshay goolkeedii 1-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga reer Argentine ee Lionel messi isaga oo sidaas hogaanka ugu dhiibay kooxda Barcelona.

Barcelona ayaa daqiiqadii 37-aad heshay goolkeedii 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay isla Lionel Messi oo dhaliyay goolkiisii 2-aad iyo kii 2-aad ee kooxdiisa sidaasna hogaanka ugu dheereeryay kooxdiisa Barcelona.

Kooxda Real Sociedad ayaa marka soo weerar tagtay iyada oo doonaysa in ay dhaliso goolka 1-aad si ay qaybta dambe rajo u yeelato uguna soo laaban karto kulan.


Daafa kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti ayaa hadyad siiyay kooxda Real Sociedad isaga oo gool si khalad ah uga dhaliyay kooxdiisa daqiiqadii 43-aad isaga oo kulanka ka dhigay 2/1.

Laakiin Barcelona ayaan wakhti dheer sugin in ay dhaliso goolkeeda 3-aad iyada oo uu gool u dhaliyay xiddiga kooxda Barcelona ku dhex wareersan ee Francisco Alcacer isaga oo mar kale hogaanka u sii dheereeryay kooxdiisa Barcelona kulankana ka dhigay 3/1.

Waxa u suuro gashay midii ay doonayeen iyaga oo keensaday goolkoodii 2-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Xabier Prieto oo daqiiqadii 45-aad soo taabtay shabaqa kooxda Barcelona kulanka ka dhigay 3/1.

Waxana sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badnayd oo 5 gool lakala dhaliyay xilli ay xiddigaha labada kooxood soo bandhigeen ciyaar aad loogu diirsaday.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayaa ahayd mid ay labada Kooxoodba abuureen fursado fiican oo goolal loo filan karay laakiin Goolhayayaasha labada kooxood ayaa u diiday in ay kubad kale gasho shabaqooda waxana ay badbaadiyeen kubada fiican.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here