Sawiro: Maxkamada C.Qalabka sida ee Puntland oo maanta Xukuno Riday

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Dowladda Puntland ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday Rag ku eedeysanaa Weerarkii 27.3.2013 lagu qaaday Xawaaladda Kaah iyo Boobkii loo geystay Suuqa dahablaha ee Boosaaso.

0418

Maxkamadda ayaa ugu horeyn dhegeysatay dacwada raggii ku eedeysnaa dhacdadii Xawaaladda kaah Exprees,waxana maxkamadda markaasi kadib ay ku riday  xakuno isugu jiray dil iyo xarig

Dadka la xakumaya oo ku eedeysnaa in ay dileen 3 ka mid ah shaqalaha Xawaaladda isla markaana dhacay lacag dhan 72,900 USD  ayaa lagu kala magacaabaa Farxaan C/qaadir Xasan oo ku magac dheer Dabliq waxa ay maxkamadda ku xakuntay dil toogasho ah,C/fitaax Burhaan iyo Maxamad Nayl oo aan gacanta lagu heyn waxa ay maxkamadda ku xakuntay dil toogasho ah,Jamaal C/nuur waxa ay maxkamadda ku xakuntay 10 sano oo xarig ah,C/xaafid 10 bilood ayey maxkamadda ku xakuntay,Maxamad Cabdullaahi Cabd ,iyoC/qaadir Xasan Dabliq maxakamadda way fasaxday kadib markii lagu waayay dambiga

Xeer ilaaliyaha Ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa ka hor jeediyey Maxkamada dhammaan eedaha loo haystay Ragii Kaah Express weeraray iyo boobka Suuqa dahablaha Boosaaso.

C/raxmaan Cumar Dhaaye oo ku magac dheer Jarerow oo ku eedeysnaa in uu dilaySsahro Cali Shire oo ka mid ahayd haweenka iibiya dahabka waxaa lagu xakumay dil toogasho ah,Maxamad Fows Cartan oo ku magac dheer ilkacase waxa ay maxkamadda ku xakuntay 10 sano oo xarig ah,Khaliif Cumar Dhaaye waxa ay maxkamadda ku xakuntay 5 sano oo xarig ah, Ayaan Cumar Dhaaye way fasaxday maxkamadda oo damiin ayaa lagu fasaxay,iyadoo bixindoonta qarashka dahabkii la dhacay iyo Roodo Cabdullaahi Cige oo iyadana la fasay.

Gudoomiyaha maxakamadda C/fitaax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay xakunka

””Shirkadda Kaah Express Boosaaso,waxay dhaceen 27.3.213 Shirkadda Kaah Express dadna ku laayey,hantidii taalay 27900 ka qaatay,Maxkamadu markey dhageysatay eeda Xafiiska Xeer ilaalinta,difaaca qareenka,qiraalka eedeysanayaasha…..”””ayuu yiri

Xukunka Ragii ka danbeeyey Weerarka Xawaaladda Kaah Express Boosaaso!.

01. Farxaan Cabduqaadir Xasan (dil toogasho)
02. Cabdifitaax Duraan (dil toogasho balse Maxkamada majoogin).
03. Maxamed Nine (dil toogasho ah balse Maxkamada majoogin).
04. Jamaal Cabdinuur (10 sano,wuxuuna ahaa ninkii Sahanka u qaabilsanaa)
05. Cabdixaafid (8 bilood oo xarig ah iyo qorigii uu ka lunsaday askariga).

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa xoriyadiisa dib ugu soo celisay Maxamed Cabdullaahi Cabdi oo sida la sheegay Booliska iyo Xeer ilaalinta ay keeni waayeen wax cadeymo ah.

Sidoo kale,Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa dib Xoriyadiisa ugu celisay Cabduqaadir Xasan Dabliq oo ahaa aabaha Farxaan Dabliqoo lagu xukumay dil toogasho.

“Sidoo kale Maxkamadu,waxay go’aan kasoo saartay dhaawacyadii labadii nin ee Shirkadda Kaah Express,waxayna Maxkamadu ku xukuntay Saddexda eedeysane oo u ugu horeeyo Farxaan Dabliq,Maxamed Nine Iyo

Cabdifitaax Duraan,iyo dhaawicii Gaalkacyo labadda askari,waxay gaar u tahay Farxaan Dabliq…..”””ayuu yiri Guddoomiyuhu.

0130 0220 0318 0418 0518 0618

Xigasho:RBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here