Sawiro: Maxeey ka wada hadleen Axmed Madoobe & dr.tedros adhanom?

Axmed Madoobe & dr.tedros
Axmed Madoobe & dr.tedros

Madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa magaalada Addis Abbaba ee dalka Ethiopia kula kulmay  Wasiirka Arimaha dibada dalkaasi iyagoo ka wada hadlay Arimo dhowr ah

Axmed Madoobe ayaa uga mahad celiyey dowlada federaalka ah ee Ethiopia taageerada ay la garab taagantahay Jubbaland mar weliba iyo xiriirka kala dhaxeeya.

Dhanka kale Wasiirka ayaa uga mahadceliyey madaxweynaha iyo maamulkiisa sida wanaagsan oo Jubbaland ay u muujisay hab wanaaga mudadii uu socday shirka madasha doorashada Somalia iyo dhismaha Hay’adaha maamulka.

Sidoo kale waxay kawada hadleen arrimaha Siyaasada , Amniga iyo iskaashiga Jubbaland iyo Dolwada federaalka ah ee Ethiopia, iyada oo dhamaan la isku afgartey qodobadii laga wada hadley

Inta badan madaxda Soomaalida ayaa isbuuc walba booqda magaalada Addis-Ababa ee Xaruunta dalka Itoobiya, halkaasoo tan iyo burburkii Doowlada Soomaaliya noqotay meesha laga hago Siyaasada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here