SAWIRO: Madaxweyne Waare oo gaaray Beledweyne

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta waxa ay gaareen magaalada Beledweyne, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Waare oo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka ayaanan si dhab ah loo ogeyn sababta ka dambeysa inay gaaraan magaalada Beledweyne.

Wariyaheena magaaladaasi ayaa waxa uu soo sheegayaa in Madaxweyne Waare iyo xubnihii la socday loo galbiyay xarunta UN-ka uu ku leeyahay degaanka Ceel Jaalle, islamarkaana aanu gudaha u gelin magaalada.

Sababta uu tagay magaalada ayaa lagu sheegay in ay tahay xalinta dhibaato ka taagan maamulka gobolka Hiiraan oo dhowr jeer isbadel lagu sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here