Sawiro: Khasaaraha ka dhashay Roobki xalay Muqdisho ka da’ay

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa saakay kormeeray qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay saamayn ku yeesheen roobab xalay ka da’ay  Magaalada Muqdisho.

63

Kaaliyaha Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Xuseen iyo Afhayeenka Gobolka Banaadir Axmed Cismaan Muxudiin ayaa kormeeray qaar ka mid degmooyinka Gobolka Banaadir oo ay samayn balaaran ku yeesheen roobabkii xogaanaa ee xalay ka da’ay Magaalada Muqdisho,iyagoo sidoo kalena u kuur galay qasaaraha ka dhashay roobabkaas.

Kormeerkaan ay ku tageen goobaha ay roobabkaan samaynta ku yeesheen ee magalada ayaa lagu  kormeeryay qasaaraha iyo dhibaatoyinka ka dhashay roobabkaas kuwaas oo samayn weyn ku yeeshay dadka barakacayaasha ah ee ku nool Magaalada Muqdisho.

Kaaliyaha iyo Afhayeenka waxaa ku wehliyay koormeerkooda Agaasimaha xiriirka degmooyinka Mukhtaar Maxamed Axmed (Dhagacade).

221 17 36 44 53 63 83 113 122

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here