Sawiro: Kenya oo Qunsul u magacaawday Jubooyinka

Qunsul ay Doowlada Kenya u magacaawday Jubooyinka, ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay Hogaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe.

dhiig laawe

Doowlada Kenya ayaa hada Raaf ku haysa shacabka Soomaaliyeed ee qaxooti ahaanta ugu nool Kenya, sidoo kale waxay xirtay Qunsul ka tirsan Safaarada Soomaaliya.

Safiirki Soomaaliya u fadhiyay Kenya iyo Qunsulkii la xiray, ayaa hada ku sugan magaalada Muqdisho, kadib markii ay u yeeratay DF.

qunsul

Qorsha dowladda Kenya ayaa lugu sheegay inuu yahay mid ay ku doonayso inay ku xoojiso xiriirka ay la leedahay maamulka KMG ah ee Jubba.

“Waxaan u nimid Kismaayo inaan la kulanno hoggaanka Kismaayo iyo hoggaanka maamulka KMG ah ee Jubba. Waxaan ku guuleysannay inaan la kulanno madaxweynaha iyo xubno ka tirsan wasiirradiisa. Waxaan halkan u nimid annagoo ah wafdi Kiinyaan ah si aan xiriir dhow ula yeelanno maamulka KMG ah ee Jubba. Waxaan rabnaa inaan dhowaan xafiis ka furanno Kismaayo, si aan u horumarinno arrimaha la xiriira horumarka, ammaanka iyo xataa wanaajinta ganacsiga u dhaxeeya Kenya iyo Kismaayo” ayuu yiri Hillary kyengo, oo ah qunsulka ay Kenya usoo magacaabatay Jubooyinka.

qunsul1

Waxaa la yaab leh in DF aysan war cad ilaa iyo hada kasoo saarin Xad gudubka ay Kenya ku hayso Qaranimada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here