Daawo: Kawaan cusub oo laga furay deegaanka Ceel-macaan

Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe, ayaa markii ugu horeysay Kawaan cusub oo xoolaha lagu qalo ka hir galiyay deegaanka Ceel-macaan.

Munaasabada lagu furayay Kawaanka cusub, ayaa waxaa kasoo qeyb galay qaar kamid ah masuuliyiinta maamulka Shabeelaha Dhexe iyo kuwa Degmada.

Hirgalinta Kawaankan cusub, ayaa qeyb ka ah dadaalo uu maamulka Shabeelaha Dhexe ugu jiro, in bulshada ku nool deegaanka ay helaan meel ku haboon oo xoolaha lagu qalo laguna gado, taasoo qeyb ka ah ilaalinta deegaanka iyo Nadaafada.

DSC07072 DSC07075 DSC07076 DSC07078 DSC07082 DSC07115

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here