Sawiro: Jibriil Ibraahim Cabdulle oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garowe

dsc_1153Jibriil Ibraahim Cabdulle , oo ah Musharraxa Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee Casimadda Puntland, iyadoo halkaas si weyn loogu soo dhoweeyay.

Musharrax Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Kanoko ee duleedka Garowe ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne, Mas’uuliyiin, siyaasiyiin, Saraakiisha ciidanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Musharrax Jibriil adiga iyo wafdigaaga ku soo dhowaada Garowe oo ah Caasimada Puntland, soo dhoweyntan waa astaan qaranimo iyo astaan ka turjumeysa isu baadigoonka umada Soomaaliyeed oo aan muddo helin Hoggaan wacan”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ayaa sheegay in magaalada Garowe iyo Puntland ay ka dhigan tahay sida Gobolka California oo kale ee Madaxweynayaasha marka ay tartamayaan go’aamisa cida ah Madaxweynaha Mareykanka, sidaas la mid ahna ay u tahay Garowe.

“Garowe iyo Puntland waxay u dhigan tahay California, Madaxweynayaasha Mareykanka marka ay tartamayaan codka ninka helo Californima ayaa ah Madaxweynaha Mareykanka, maanta waa heystaa codkii reer Nugaal, ayagii oo idil baa ku soo dhoweeyay, waxaa u maleynayaa inaa tahay Madaxweynaha Soomaaliyeed”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

dsc_0019 dsc_0033 dsc_1098 dsc_1125 dsc_1153 dsc_1164 dsc_1168 dsc_1190 dsc_1199 dsc_1210

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here